Qarax ka dhacay Baydhabo oo ay ku dhinteen 15 qof oo shacab ah

Qarax ka dhacay Baydhabo oo ay ku dhinteen 15 qof oo shacab ah

Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku geeriyootay 15 kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib qarax ka dhacay suuqa qaadka lagu iibiyo ee magaalada Baydhabo.

Qaraxa ayaa la dhigay Bartamaha suuqa Qaadka lagu iibiyo xilli dad badan ay ku sugnaayeen gudaha suuqa.

Ciidamada amniga ayaa goobta soo gaaray waxaana socda howlagalo lagu baadigoobayo ragii falkan ka dambeeyay.
Qarxyo noocan oo kale ah ayaa horay uga dhacay magaalada Baydhabo, balse muddooyinkii udambeeyay Amniga magaalada ayaa aad uwanaagsanaa.

Mas’uuliyiin u hadashay maamulka gobolka Bay ayaa waxa ay ku eedeeyeen in qaraxa ay ka dambeeyeen ururka Alshabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com