Faahfaahin Qaraxii Mudisho & khasaarihii ka dhashay

Faahfaahin Qaraxii Mudisho & khasaarihii ka dhashay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax nooca Miinada dhulka lagu aaso ah lagula eegtay isgoyska KMT4O oo ah ilinka laga galo madaxtooyada Soomaaliya Maxamed Daahir oo kamid ah saraakiisha sar sare ee ciidanka booliska Soomaaliy.

Qaraxa sidookale waxaa ku dhaawacmay mid kamid ah ilaaladiisa sida uu kusoo waramayo wariyaha Daljir ee Muqdisho.

Qaraxa kadib ciidamada Amniga ayaa goobta soogaaray oo howlgal ka sameeyay.

Sarkaalkan lagu magacaabo Maxamed Daahir ayaa horay u soo noqday taliyaha Saldhig Galbeed, Wiyow Cadde iyo Saldhiga degmada Hodan, waxaana hadda uu ka mid yahay Saraakiisha si dhow ula shaqeysa taliye ku xigeenka koowaad ee Ciidanka Booliska.

Al-shabaab ayaa intabadan qaraxyada noocan ah ka gaysata gudaha magaalada Muqdisho.

Diiwaanka wararka
Radio Daljir.com.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com