HomeUncategorized

Qarax Ismiidaamin oo Maanta lala Beegsaday Suuq ku yaal Baqdaad

Khamiis, Ogoosto 13, 2015 (Daljir) — Wararka ka imaanaya Dalka Ciraaq ayaa sheegaya in weerar ismiidaamin dad badan ku dhinteen uu saakay ka dhacay Suuq mashquul badan oo qudaarta lagu iibiyo oo kuyaala Magaalada Bagdaad gaar ahaan Degmada ay shiicadu ku badan tahay ee Sadr.

AKHRISO-Shirkii golaha xukuumadda Puntland oo looga hadlay arrimo xasaasi ah
Ciidamo ka goostay Maamulka Somaliland oo ku biiray Ciidamada Suldan Wabar
Suldaan Maxamed Yuusuf oo ka tacsiyadeeyay geerida Beeldaaje Faarax X.Cabdilaahi.
Khamiis, Ogoosto 13, 2015 (Daljir) — Wararka ka imaanaya Dalka Ciraaq ayaa sheegaya in weerar ismiidaamin dad badan ku dhinteen uu saakay ka dhacay Suuq mashquul badan oo qudaarta lagu iibiyo oo kuyaala Magaalada Bagdaad gaar ahaan Degmada ay shiicadu ku badan tahay ee Sadr.
 
Inta la xaqiijiyay 55- qof ayaa ku dhintay weerarka ismiidaaminta ah ee ka dhacay Suuqa Jamila, waxaa weerarkaasi ku dhaawcmay dad ka badan 200-qof, weerarkan ayaana loo adeegsaday gaari nuuca xamuulka qaad ah oo waxyaabaha qarxa lagasoo buuxiyay.
 
Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalka Ciraaq ayaa durba dusha u ridatay masuuliyada weerarka ismiidamainta ah ee maanta ka dhacay Suuqa kuyaala Degmada ay dadka shiicada ah ku badan yihiin ee Sadr.
 
Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxu ahaa mid aad u xoog badnaa uuna bur buriyay qaybo badan oo suuqa katirsan, waxaana dadka ku dhintay iyo kuwa dhawacmay qaarkood xubnaha jirkooda uu ku firiray goobo suuqa kamid ah.
 
Weerarkan Ismiidaaminta ah ayaa noqonaya kii ugu dhimashada badnaa mudo sanad ah oo dalkaasi ka dhaca, waxaana mudooyinkii dambe dalka Ciraaq kusii kordhayay weerarada ismiidaaminta ah ay fuliyaan kooxda Daacish.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: