Islaan Bashiir oo Gurigiisa ku Qaabilay wakiilka Qaramada Midoobay ee Puntland

Khamiis, Ogoosto 13, 2015 (Daljir) — Degmada Burtinle ee gobolkaasi Nugaal waxaa kulan dhinacyo badan taabanaya ku yeeshay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle iyo Wakiilka UNSOM ee xafiiska Puntland Omar Aboud .
 
Kulankan dhexmaray Islaan Bashiir iyo Mr Aboud ayaa ahaa mid qaatay saacado, waxaana banaanka ka joogay saxaafada, markii uu soo dhamaaday ayaa faah faahin laga helay waxaa lagu sheegay in uu ku saabsanaa  ka hadalka arimaha Gobolka Mudug iyo  xaaladaha siyaasadeed ka jirtay mudooyinkii dambe
 
Wakiilka Xafiiska UNSOM ee Puntland  Omar Aboud ayaa u sheegay Islaan Bashiir in Unsom ay dadaal weyn ugu jirto ka shaqeynta xaaladaha gobolka islamarkana shaqadooda ay ka balaarin doonaan halka ay joogto.
 
Sidoo kale waxaa laga wada hadalay Arimaha dowladda Federaalka iyo xaaladaha siyaasadeed ee ay ku sugan tahay, iyadoo si rasmi ah farta loogu fiiqay arrinta hiigsiga 2016 iyo sida ay u hirgeli karto iyo caqabadaha hortaagan.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com