Qarax dad ay ku dhinteen oo ka dhacay Baqdaad

Qarax dad ay ku dhinteen oo ka dhacay Baqdaad

Wararka ka imanaya Dalka Ciraaq ayaa sheegaya in qarax loo adeegsaday gaari uu habeenimadii xalay ka dhacay fagaaraha “Taxriir” ee bartamaha caasimada Baqdaad, halkaasi oo ay ku sugnaayeen dibad baxayaal farabadan,waxana ku dhintay ilaa iyo hadda afar qof halka ay ku dhaawacmeen in kabadan laabatan ruux.

Weli ma cada in qaraxan uu xiriir la leeyahay dibadbaxyada looga soo horjeedo xukuumada Ciraaq iyo in kale.

Qaraxan ayaa waxa ka horeeyey Qaraxyo dhowr ah iyo bambo gacmeedyo, kuwaas oo la sheegay in looga gol lahaa cabsi gelinta dibad-baxayaasha waxaana ka dhashay dhaawacyo.

Dhinaca kale ciidama amaanka ayaa qaaday talaabooyin lagu xoojinayo amaanka iyagoo baaritaano adag ka bilaabay gudaha caasimaada Baqdaad.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 4 years ago

    CIRAAQ WAXAY U GO’AYSAA WAA KHAYRAADKEEDA.
    SOMALIYANA WAXAY U GO’AYSAA WAA KHAYRAADKEEDA,.
    CONGO-na WAXAY U GO’AYSAA WAA KHAYRAADKEEDA.
    LIBIYANA WAXAY U GO’AYSAA WAA KHAYRAADKEEDA.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com