Qarax dad ay ku dhinteen oo ka dhacay Baqdaad

HomeWararka

Qarax dad ay ku dhinteen oo ka dhacay Baqdaad

Wararka ka imanaya Dalka Ciraaq ayaa sheegaya in qarax loo adeegsaday gaari uu habeenimadii xalay ka dhacay fagaaraha "Taxriir" ee bartamaha caasimada

Fursado iyo Jagooyin ka Bannaan Golaha Aqalka Sare (Somali Senate)
Madaxweyne Deni “Reer Puntland dulqaadkii waa ka dhamaaday maamulka Hargeysa wuxuu heli doonaa wuxuu naga raadinayo (daawo)
Ururka Saxafiiyinta Somaliyeed ee NUSOJ oo kismaayo tababar uga furay wariyaal (Sawiro)

Wararka ka imanaya Dalka Ciraaq ayaa sheegaya in qarax loo adeegsaday gaari uu habeenimadii xalay ka dhacay fagaaraha “Taxriir” ee bartamaha caasimada Baqdaad, halkaasi oo ay ku sugnaayeen dibad baxayaal farabadan,waxana ku dhintay ilaa iyo hadda afar qof halka ay ku dhaawacmeen in kabadan laabatan ruux.

Weli ma cada in qaraxan uu xiriir la leeyahay dibadbaxyada looga soo horjeedo xukuumada Ciraaq iyo in kale.

Qaraxan ayaa waxa ka horeeyey Qaraxyo dhowr ah iyo bambo gacmeedyo, kuwaas oo la sheegay in looga gol lahaa cabsi gelinta dibad-baxayaasha waxaana ka dhashay dhaawacyo.

Dhinaca kale ciidama amaanka ayaa qaaday talaabooyin lagu xoojinayo amaanka iyagoo baaritaano adag ka bilaabay gudaha caasimaada Baqdaad.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 4 years ago

    CIRAAQ WAXAY U GO’AYSAA WAA KHAYRAADKEEDA.
    SOMALIYANA WAXAY U GO’AYSAA WAA KHAYRAADKEEDA,.
    CONGO-na WAXAY U GO’AYSAA WAA KHAYRAADKEEDA.
    LIBIYANA WAXAY U GO’AYSAA WAA KHAYRAADKEEDA.

DISQUS: 0