Ururka Saxafiiyinta Somaliyeed ee NUSOJ oo kismaayo tababar uga furay wariyaal (Sawiro)

Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaliyeed ee NUSOJ ayaa Magaalada Kismaayo ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Ka furay Tababar ku saabsan habraaca saxaafadda ee loogu talo galay soo tebinta rabshadaha ku salaysan tacadiyada jinsiga waxaana tababarka kasoo qeyb galay 45 Wariye oo isugu jira wiilal iyo gabdho.

Munaasabaddii furitaanka Tababarka ayaa waxaa kasoo qeybgalay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jubbaland Mudane Sheikh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Jubbaland, Agaasimaha Maamulka & Maaliyadda Wasaaradda Haweenka Jubbaland iyo Marti sharaf kale.

Tababarkaan oo Muddo labo Maalin ah socon doono ayaa waxaa si wada jir ah u qabtay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqda Aadanaha Soomaaliya iyo Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee #NUSOJ oo taageero ka helaye Hay’ad UNFPA.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com