HomeUncategorized

Qaramada midoobey oo ka digtey halista ururka Alshabaab.

New York, Nov 05 2016--Warbixin cusub oo ay soo saartay Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in ay wali taagan tahay khatarta amni ee xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya .

Munaasabad Garoowe loogu qabtay 153 arday oo ka qalin-jebiyey jaamcada Barriga Afrika (Sawirro)
DHAGAYSO:Barnaamijkii Saaka iyo Dunida_Sabti_26
Iska-horimaad dhimasho iyo dhaawac sababay oo maanta ka dhacay magaalada Galkacyo.

New York, Nov 05 2016–Warbixin cusub oo ay soo saartay Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in ay wali taagan tahay khatarta amni ee xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya .

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ay jiraan weeraro badan oo ay geysteen Al-Shabaab sanadkii lasoo dhaafay iyo sidoo kale sanadkaan socda , sidaas darteedna ay wali muuqato awooda Al-Shabaab ay ku leeyihiin gudaha Soomaaliya.

“Marka la eego dadaalada lagu la dagaalamaayo Al-Shabaab , waxa ay u muuqdaan kuwa laga gaarayo horumaro kala duwan , inkastoo wali nabada Soomaaliya ay caqabad ku yihiin Al-Shabaab” ayaa lagu yiri warbixinta kasoo baxday golaha amaanka ee Qaramada Midoobey.

” Al-shabaab  wali waxa  ay caqbad weyn ku yihiin ammaanka Geeska Afrika , waxaana looga baahan yahay ciidamada Midowga Afrika iyo sidoo kale ciidanka dowladda Soomaaliya in ay laba jibaaraan dadaalada lagu dagaalamayo Al-Shabaab” ayaa sidoo kale lagu yiri markale warbixinta kasoo baxday  Qaramada Midoobey.

Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale sheegtay dowladda Kenya ay wajaheyso khatar dhanka amniga ah  markii la eego weerarada Al-Shabaab ay ka geysanayaan Magaalada Mandera iyo sidoo kale Magaalooyinka ee dalka Kenya.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guuldareysatay in ay bixiso mushaarka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo dagaal adag kula jira Al-Shabaab.

Waxaana warbixinta lagu sheegay in uu jiro musuqmaasuq iyo sidoo kale isdabamarin lagu hayo dhaqaalaha loogu talagalay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Al-Shabaab ayaa kordhayay weerarada ay ka geysanayaan gudaha Soomaaliya iyo sidoo kale dalka Kenya , waxaana jira weeraro badan oo ay Al-Shabaab ka geysteen Magaalada Muqdisho iyo sidoo kale Magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: