Doorashada xubnaha aqalka hoose oo lagu wado inay Garoowe ka bilaabato.

Garoowe, Nov 05 2016-Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa maanta lagu wadaa in si rasmi ah looga daahfuro doorashada xubnaha aqalka hoose ee Soomaaliya kasoo geli doona deegaamada Puntland.

Kuraasta xubinimada aqalka sare oo ay middiiba u taagan yihiin 12 musharax ayaa waxaa mid walba oo kamid ah hal musharax kasoo dooran doona 51 ergey oo kasoo jeeda beesha iskaleh kursigaasi.

Doorashada ayaa saaka lagu wadaa in ay ka bilaabato xarumaha jaamacadda Bariga Africa iyo PSU ee magaalada Garoowe, kuwaasi oo horay loo fasaxay ardaydii wax ka baranaysey.

Maalinkii shalay ayaa jaamacaddaha PSU iyo Bariga Africa waxaa kafurmay tababarka ergooyinka soo dooranaya xubnaha aqalka hoose ee barlamaanka federalka ah ee Soomaaliya.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com