Qaramada Midoobay oo war kasoo saartay xiisada kataagan Muqdisho

HomeWararka

Qaramada Midoobay oo war kasoo saartay xiisada kataagan Muqdisho

Qoraal kooban oo ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa walaac xoogan ka muujisay dagaalada u dhexeeya ciidamada dowlada iyo kuwa taabacsan mucaaradka oo

Dowladda Federaalka oo ka hadashay Khilaafka Galmudug ee xoogaystay (Akhriso)
Madaxweynaha Hiirshabeele oo la kulmay Xildhibaano
Ciidamo horleh oo ka soojeeda gobolka Sool oo lagu soo dhoweeyey Tukaraq (dhegayso)

Qoraal kooban oo ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa walaac xoogan ka muujisay dagaalada u dhexeeya ciidamada dowlada iyo kuwa taabacsan mucaaradka oo ka soo cusboonaaday magaalada Muqdisho.

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dhinacyada siyaasada isku haya in ay si deg deg ah u bilaabaan wadahadal si looga baaqsado dagaalo iyo rabshado mar kale dhiig ku daato.
Qoraalka ayaa sidoo kale dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Muqdisho loogaga codsaday in ay xaalada dejiyaan isna xakameeyaan, waxa ayna sheegtay Qaramada Midoobay in rabshaduhi xal u noqoneyn is marigaaga siyaasadeed ee taagan.

”Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad ah uga walaacsan tahay isku dhacyada ka dhacaya magaalada Muqdisho. Waxaan ku boorrinaynaa dhinacyada oo dhan in ay muujiyaan is xakamayn, rabshaddu xal uma ahan is mariwaaga siyaasadeed ee hadda taagan. Waxaan si degdeg ah ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada in ay si dhaqso ah dib ugu bilaabaan wadahadal degdeg ah.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: