Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay colooda ka dhalatay marinka Qaza

Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay colooda ka dhalatay marinka Qaza

Afhayeen u hadlay Qaramada midoobey ayaa sheegay in Xooghaya guud ee Qaramada midoobey Antonio Goutiers uu aad uga walaacsanyahay colooda ka dhalatay Qaza, taasi oo ay ku waxyeeloobeen dad rayid ah.

Weriyeyaasha ayaa wax ka weydiiyey Afhayeenka, weeraradii ay Israaiil ku khaarijisay hogaamiyaal reer falastiin ah kuwaas oo lagu dilay Dimishiq iyo Qaza.

Afahayeen oo suaashaas ka gaabsaday ayaa sheegay in Xooghaya guud uu ka walaacsan yahay kaliya dadka rayidka ah ee ku dhintay weeraradan.

Ururka jihaadiga ah ee reer Falastiin ayaa shaaciyey isniintii geerida labo qof oo Falastiiniyiin ah oo ku geeriyooday weerar lagu qaaday guriga mid ka mid ah hogaamiyayaasheeda gudaha magaalada Dimishiq caasimada Suuriya, iyadoo weerar kale oo ciidamada Israaiil ay fuliyeen ay ku dileen maalinimadii shalay hogaamiye Bahaa abuu Cataa, waxana la geeriyooday xaaskiisa iyadoo dhaawacyo kala duwana ay soo gaareen qaar ka mid ah caruurtiisa.

Tan iyo bilowga weeraradan Israaiiliyiinta ay ka wadaan Qaza waxa ku dhintay Shan Qof halka Sodon kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay wasaarada cafimaadka Falastiin.

Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 4 years ago

    NUURKA.
    POLITICAL ANALAYST.
    FALASTIIN TAXTAL MAJHAR!!!.
    ..  .. .. .. ..   …. .. .
    WAA SHEEKOOYINKAAS SHEEKOOYINKA AAN KU QOSLO!!!!.KKKKK.
    ADEER FALASTIINIYIINTU WAA DAD DUNIDA OO DHAN GACMAHA AY QABTEEN,GAAR AHAAN WESTERENKU.WAA DAD DULMAN OO DHIBAN XAQIIQDII!!.
    QAAR BAA WAXAY KU DHAHAYAAN WAAYO?MAXAY FALASTIINIYIINTU WAX UGU TUUREEN ISRAEL!!?.WAA SU’AAL JABAN TAASI WAAYO?WAR NIN LAHAYSTO OO OG IN LA HAYSTO,OO LA XIRAYO,DILAYO,AABAYAASHII LA DILEY DHULKIISII LA BOOBEY TAARIIKH DHAW OO SHALAY AH WAA WAX ISKA CAADIYA INUU QAADO WEERARO DANI KU BADAY AH,OO WAX KU TUURTUURO DHINACA KALE! ISRAELNA MA KU ANDACOON KARTO FALASTIINIYIINTAA WAX NAGUSOO TUUREY!!! WAAYO? WAA CAADO ISKA CAADIYA NIN LA HAYSTO INUU AWOODIISA FHAQDHAQAAQO!!!,
    NIN LAHAYSTO GACMAHA LAABAN MAAYO!!!!,WAA HUBAAL WUXUU DOONO HA AAMINSANAADO WAA DABCI BINI AADAMKU KA SIMAN YAHAY!!BIBI NETENYAHUNA WUXUU UDHAQMAYAA  SIDII SI KA XUN HITLERKII 1939-45 SOO MARAY DUNIDAN,..
    NETENYAHUNA WAA UUN HITLERKII BARIGA DHEXE EE QARNIGA 21aad..
    NETENYAHU HADA WAXAA KU SOCDA KIIS MUSUQMAASUQ SIDAA DARTEED MARARKA QAAR WEERARADA UUKU QAADO SURIA,LUBNAN,QAZA WAXAY KU SALAYSAN YIHIIN KIISKAAS MUSUQA AH & DOORASHOOYINKA,
    LKN WAXAA XAQIIQA AH IN WAXA LOOGU YEERO (UNITED NATION) INAY TAHAY TA FALASTOIINIYIINTA U OGOLAATAY INAY KU JIRAAN GACAN GUUMRYSI OO ARXAN DARAN!!!.
    OK,
    AMA JIDAAHIDIYIIN UGU YEER AMA FATAX UGU YEER,AMA XAMAAS UGU YEER DADKA REER FALASTIIN INAY ISRAEL WAXAY HAYSTAANBA MARNA KU TUURAAN XAQ BAY ULEEYIHIIN WAAYO?WAA LAHAYSTAYAAL.WAANA DABCI BINI AADSM IN QOFKII LAHAYSTAABA UU KARAANKIISA & AWOODIISA ISTICMAALO OO AANU GACMAHA LAABAN,MADOW & CADAAN WAA WAX ISKA CAADIYA..
    ISRAELNA MARMARSIINYO KAMA DHIGAN KARTO FALASTIKNIYIINTAA WAX NAGU SOO TUURTAY!!!.
    Fiiro Gaara:
    FALASTIINIYIINTU WAA DAD DHIBAN OO LA NOOL DIL,XARIG,DHULWAREEJIN,HANJABAAD,TACADI JOOGTA AH,DULAYSI,DULMI,DHAAWAC,GUUMAYSI ARXAN DARAN,….
    LKN WAXAAD MOODAA IN SHACABKA DUNIDU HADEER SOO FAHMAYAAN SIIBA SHACABKA GALBEEDKU…OO AY KA ILBAXEEN HUUHAADII WARBAAHINTA ZOINEST AY USHEEGI JIREEN.
    ISRAELNA UMA BAAHNA NETENYAHU OO KALE’E OO DHIIGYACAB AHE WAXAY U BAAHAN TAHAY YISXAQ SHAMIR & YISXAQ RABIN OOKALE RAG NABADEED!!!!.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com