Ololaha doorashada baarlamaanka iyo madaxtooyada ee Turkiga oo maanta ku eg

Ololaha doorashada baarlamaanka iyo madaxtooyada ee Turkiga oo maanta ku eg

Waxaa la filayaa berri oo Axad ah inay dalka Turkiga kadhacdo doorashada baarlamaanka iyo madaxtooyada ee dalka Turkiga, iyadoo dadwaynaha dalkaasi ay u dareerayaan codbixinta doorashada.

Madaxwaynaha Turkiga Recep Dayib Etdogan ayaa horay ugu dhawaaqayay doorasho waqtigeedii laga soo hormariyay oo dalka kadhacday, taasi oo noqotay mid kusoo beegantay xilli xisbiyada siyaasadda ee dalkaasi aanu isu diyaarin doorashada.

Madaxwayne Erdogan ayaa dadka dhaliilsan ay sheegayaan inuu doonayay inuu si fudud kaga guulaysto xisbiyada mucaaradka, laakiin xisbiyada muacaaradka oo awoodooda mideeyey ayaa haysta aqlabiyad badan, waxaana suurtagal doorashada in la iska aado wareeg labaad.

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com