Site icon Radio Daljir

Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay colooda ka dhalatay marinka Qaza

Afhayeen u hadlay Qaramada midoobey ayaa sheegay in Xooghaya guud ee Qaramada midoobey Antonio Goutiers uu aad uga walaacsanyahay colooda ka dhalatay Qaza, taasi oo ay ku waxyeeloobeen dad rayid ah.

Weriyeyaasha ayaa wax ka weydiiyey Afhayeenka, weeraradii ay Israaiil ku khaarijisay hogaamiyaal reer falastiin ah kuwaas oo lagu dilay Dimishiq iyo Qaza.

Afahayeen oo suaashaas ka gaabsaday ayaa sheegay in Xooghaya guud uu ka walaacsan yahay kaliya dadka rayidka ah ee ku dhintay weeraradan.

Ururka jihaadiga ah ee reer Falastiin ayaa shaaciyey isniintii geerida labo qof oo Falastiiniyiin ah oo ku geeriyooday weerar lagu qaaday guriga mid ka mid ah hogaamiyayaasheeda gudaha magaalada Dimishiq caasimada Suuriya, iyadoo weerar kale oo ciidamada Israaiil ay fuliyeen ay ku dileen maalinimadii shalay hogaamiye Bahaa abuu Cataa, waxana la geeriyooday xaaskiisa iyadoo dhaawacyo kala duwana ay soo gaareen qaar ka mid ah caruurtiisa.

Tan iyo bilowga weeraradan Israaiiliyiinta ay ka wadaan Qaza waxa ku dhintay Shan Qof halka Sodon kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay wasaarada cafimaadka Falastiin.

Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

Back to Home page