Qalbidhagax: “Diyaar baan u ahay dhexdhexaadin Puntland iyo Al-Shabaab.” (dhegayso)

HomeWararka

Qalbidhagax: “Diyaar baan u ahay dhexdhexaadin Puntland iyo Al-Shabaab.” (dhegayso)

Jabhad Cabdikariin Qalbidhagax haddana ah siyaasi Soomaaliyeed, kana mid ah hoggaanka Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadeeniya (ONLF), maalmahaana ku su

Golaha Wasiirada Jubbland oo loo qaybiyay Hiigsiga qorshaha Hormarinta Jubbaland ee 2020
Booliska Somaliland oo baadi goob ugu jira fanaanka Nimcaan Hilaac
Warka Fiidnimo iyo Faadumo Dagan Daljir Bosasso (dhegayso/daawo)

Jabhad Cabdikariin Qalbidhagax haddana ah siyaasi Soomaaliyeed, kana mid ah hoggaanka Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadeeniya (ONLF), maalmahaana ku sugnaa magaalada Bosaaso ayaa maanta waxa uu sheegay  in uu  diyaar u yahay in uu ka qeybqaato sidii kooxda al-Shabaab ee  Buuraleyda Galgala nabad loogu yeeri lahaa, lagana dhaadhicin lahaa in ay buuraha ka soo degaan.

Qalbidhagax oo hore ay xukuumadda Farmaajo ugu masaafurisay Itoobiya, xabsi kabacdina uu cafis u fidiyey RW Abiy Axmed, ayaa asbuucyadaan safaro ku marayey gobolada Somaliland iyo Puntland.

Waxaa xusid mudan in xubnaha iyo hoggaanka jabhadda ONLF ay hore mamnuuc uga ahaayeen Puntland, marmarka qaarkoodna loo gacangelin jirey sirdoonka Itoobiya, ayaga oo lagu eedaynayo in ay xiriir hoose la leeyihiin al-Shabaab.

Qalbidhagax oo ka sheekeeyey dagaalada uu u soo galay xoreynta ummadda Soomaaliyeed ayaa kulanka Bossaso ka sheegay in uu diyaar u yahay in uu qayb ka noqdo dhexdhexaadin laga dhex bilaabo Puntland iyo Al-Shabaab.

Hoos ka dhegayso.

  

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: