Booliska Somaliland oo baadi goob ugu jira fanaanka Nimcaan Hilaac

Booliska Somaliland oo baadi goob ugu jira fanaanka Nimcaan Hilaac

Ciidamada booliska ee Somaliland ayaa ku raad jooga fanaanka dhalinyarada ah ee Nimcaan Hilaac, kaasi oo dhowaan dib ugu laabtay magaalada Boorama ee gobolka Awdal oo uu kasoo jeedo.

Fanaanka oo muddooyinkii u dambeeyey ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa dib ugu laabtay Boorama isagoo safar dhanka dhulka ah kaga soo gudbay wadanka Jabuuti.

Ciidamada ayaa isku dayay inay xiraan, balse shacabka magaalada Boorama ayaa kahoryimid booliska , taasi oo sababtay rabshado ay ku dhaawacmeen dad shacab ah.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta ciidamadu inay xireen aabaha dhalay fanaanka oo katirsan booliska Soomaliland ee magaalada Boorama, waxaana sidoo kale ay wadaan baaritaano ay kusoo qabanayaan fanaanka.

Nimcaan Hilaac ayaa horay loogu xiray magalada Hargaysa kadib markii uu ka qaybgalay bandhig faneed ka dhacay magaalada Muqdisho.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com