Qaar kamid ah dhaawacyadi dabki Garoowe oo geeriyooday

Qaar kamid ah  dhaawacyadi dabki Garoowe oo geeriyooday

Tiradda dhimashada dadkii ku waxyeeloobay dabkii dhawaan qabsaday kaalin shidaal oo kutaal Isgoyska wadada bulsho ee magaaladda Garoowe ayaa hadda gaartay 7 ruux sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadku.

2 ruux oo kamid ahaa dadkii loo qaaday Magaaladda Muqdisho ayaa ku geeriyooday cisbitaalka Madiina ee Magaaladda Muqdisho .

Saraakiisha wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa warbaahinta xaqiijiyay maalin dhimashada ruux oo mid gabar ahayd.

Khasaaraha kale ee ka dhashay dabkaasi ayaa isugu jiray mid hantiyadeed iyo mid maaliyadeed waxaana gabi ahaanba buburay dhammaan goobihii ganacsi ee aagaas kuyaalay .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com