Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS oo kulan la qaatay Siihayaha Safaaradda Qatar ee Somaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS oo kulan la qaatay Siihayaha Safaaradda Qatar ee Somaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Amb. Ahmed Isse Awad ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Siihayaha Safaaradda Qatar ee Soomaaliya Eng. Hassan Bin Hamza Asad Mohammed oo booqasho maamuuseed ugu yimid, waxa ayna labada dhinac ka wada hadleen xoojinta iyo ballaarinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga labada dal u dhexeeya. Waxaa kale oo ay gudagaleen ka sheekeysiga arrimaha ka taaggan gobolka iyo dunida inteeda kale.

Labada dhinac ayaa sidoo kale waxa ay xaqiijiyeen dadaalkooda ay ku bixinayaan horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, dhaqaallaha iyo maalgashiga, iyadoo loogu saldhigayo isgarabsiga walaalnimo, laguna adkeynayo xiriirka xidideystay ee labada shacab ee walaalaha ah u dhexeeya.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi, Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Amb. Ali Mohamed Ali, Agaasimaha guud ee habmaamuuska Adv. Hersi Haji Olosow iyo Agaasimaha Waaxda Carabta Mudane Mustafa Adam Dagaal.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com