Puntland: Xujayda waxaa laga rabaa kharash dheeraad ah (Warbixin)

HomeWararka

Puntland: Xujayda waxaa laga rabaa kharash dheeraad ah (Warbixin)

Garoowe: Qaar kamid ah dadka sanadkan u diyaarsan inay soo gutaan Acmaasha Xajka ee ka tegaya Puntland, oo xiriir lasoo sameeyey Warbaahinta Daljir ay

Madaxweynaha Puntland oo Guddiga doorashada kala hadlay dhameystirka doorashada qof iyo cod ah
Xulashada Daljir & Xasan Heykal iyo Daljir Bossaso(dhegayso)
Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal, Daljir Bossaso (dhegayso)

Garoowe: Qaar kamid ah dadka sanadkan u diyaarsan inay soo gutaan Acmaasha Xajka ee ka tegaya Puntland, oo xiriir lasoo sameeyey Warbaahinta Daljir ayaa sheegay in Shirkadda ka shaqeeya Arimaha Xajka iyo Cumrada ay lacago dheeraad ah saareen qiimihii Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya u jaan goysey in sanadkan lagu tago Xajka kaasoo ahaa $5,230 (Shan kun laba boqol iyo Sodon dollar) iyadoo shirkada dadka Puntland ka qaadayaa ku heshiiyeen in Xujayda lagu qaado $5,800 (Shan kun iyo Sideed boqol oo dollar).

Arintan ayaa ka dhigan in Halkii Xaaji la dulsaaro lacag dhan $570 oo ay ka faa’iidayaan Xafiisyada shirkadaha arimahan ka shaqeeya ee kuyaala magaalooyinka Puntland.

Lacagtan ayaa ah mid aad ugu badan Xujayda sanadkan oo markii hore ka cabanayey qiimaha sanadkan Dawlada Soomaaliya u jaan goysey in sanadkan lagu Xajiyo, Waxaana arintani kusoo beegmaysaa xili dadku la tiicayaan saamaynta abaaraha iyo hoos u dhaca dhaqaale ee dalka kajira.

Qaar kamid ah Shirkadaha Arimaha Xajka ka shaqeeya oo aanu xiriir la samaynay ayaa sheegay in lacagahan la saaray ay yihiin kuwo adeegyo loogu qabanayo Xujayda marka ay dhoofayaan, balse waxaa jira shirkadaha qaar oo iyagu walaac ka muujiyey lacagta tirada badan ee lasaarayo Xujayda.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: