Madaxweynaha Puntland oo Guddiga doorashada kala hadlay dhameystirka doorashada qof iyo cod ah

HomeWararka

Madaxweynaha Puntland oo Guddiga doorashada kala hadlay dhameystirka doorashada qof iyo cod ah

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan gaar ah kula qaatay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, Gu

Maamulka Galmudug oo ka qayb galay Banaanbax kadhacay Xeraale (dhegayso)
Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo noqday
Wasiirka Warfaafinta Puntland “Ciddii nasoo weerarta iyada ayaa jab la kulmi doonta” (dhegayso)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan gaar ah kula qaatay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, Guddiga ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC).

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Guddoonka iyo xubnaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), waxaana Kulanka oo ay ka qeybgaleen qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada, looga hadlay
sidii loo dardargelin lahaa dhameystirka wejiga labaad ee qabashada doorasho qof iyo cod ah oo lagu soo doorto Goleyaasha deegaanka Degmooyinka Puntland ee harsan.

Guddiga Doorashooyinka ayaa soo bandhigay shaqada socota iyo qorsheyaashooda shaqo ee u yaalla, sidii dhammaan doorasho hal qof iyo cod ah looga qaban lahaa degmooyinka Puntland, taasi oo qorshuhu yahay in ay Puntland ka dhacdo bisha december 2022.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0