Wasiirka Warfaafinta Puntland “Ciddii nasoo weerarta iyada ayaa jab la kulmi doonta” (dhegayso)

HomeWararka

Wasiirka Warfaafinta Puntland “Ciddii nasoo weerarta iyada ayaa jab la kulmi doonta” (dhegayso)

Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdixirs Cali Qarjab ayaa ka hadlay xiisadda deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay la wareegeen ciidamada Somaliland,

Khaladaadka ka dhaca arimaha qooyska raga iyo dumarka keebaa ubadan?
Gobolada ay maamulaan Kooxda Al-shabaab oo maanta laga Ciiday
Madaxweynaha Kenya Muxu Ku Tilmaamay Weraarkii Nairobi (Daawo)

Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdixirs Cali Qarjab ayaa ka hadlay xiisadda deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay la wareegeen ciidamada Somaliland, xilli uu Puntland booqasho ku joogay madaxwaynaha dowladda faderaalka ee Soomaaliya.

Shir jaraa’id uu ku qabtay Bosaso ayuu sheegay inay tahay waajib diini ah qofka inuu sharaftiisa iyo naftiisa difaaco, isagoona sheegay inay dowladda ay iska difaacayso weerarka uga yimid Somaliland.

Wasiirka ayaa dhanka kalle sheegay inay tahay wax lala yaabo gumaysi la iska qaaday in lagu doodo xuduudo uu sameeyey, waxaana uu xusay dadka gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ay xitaa duulaan ku ahayn Burco iyo gobolada Somaliland.

Dhaqdhaqaaqyo ay wadaan ciidamada Puntland ayaa ka socda gobolka Sool, halkaasi oo ay ciidamo badan ku baxeen si’ay usoo celiyaan deegaamada ay ciidamada Somaliland ay la wareegeen.

Hoos kadhegayso

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: