PUNTLAND: Wajiga 2aad ee Talaalka Covid-19 oo la daahfuray

PUNTLAND: Wajiga 2aad ee Talaalka Covid-19 oo la daahfuray

Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa maanta degaanada Puntland ka bilawday wajiga labaad ee talaalka Covid19.

Wasiirka caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa Garowe ka daahfuray talaalka wajiga labaad kaas oo isaguna qaatay talaalka, waxaa uu wasiirku dadweynaha reer Puntland kula dardaarmay inay dadkii horay uqaatay wajiga koowaad ee talaalka ay qataan wajiga labaad oo ah kan ugu dabeeya.

Dadweyne fara badan ayaan talaalka maanta ka qaatay xarumaha talaalka lagu bixinayo waxaana dadka oo hadlay ay sheegeen in talaalkii hore aysan wax dhibaato ah kala kulmin kalsoonina ku qabaan marka ay kan qaadataan inay difaaca jirkodoa ee xanuunka Covid 19 uu amaan yahay.

Talaalkan ayaa loogu talagalay inay qataan shaqaalaha caafimaadka, macalimiinta iyo dadka qaba xanuunada dhiikarka, macaanka iyo neefta kuwaasi oo ah kuwa saamaynta ugu badan uu ku yeelanayo xanuunka marka uu ku dhaco.

Sidoo kale waxaa magaalada Boosaaso ayaa kamid ah magaalada 2aad ee laga daahfuray talaalkan wajigiisa labaad.

Talaalka ayaa mudo 5 maalmood ah socon doona iyadoo dadkii hore uqaatay la siin doono wajiga labaad.

Sawirro.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com