BOOSAASO: Howlgal lagu dilay saraakiil ka tirsan Daacish

BOOSAASO: Howlgal lagu dilay saraakiil ka tirsan Daacish

Ciidamada difaaca Puntland ee PSF ayaa sheegay in ay hawlgal qorshaysan ay ku dileen sarkaal ajnabi ah oo ka tirsan Daacish kuwaas oo ku suganaa buuralayda Calmiskaad ee gobolka Bari
Qoraal kooban oo ay soo saareen Ciidamada PSF ayaa lagu sheegay in hawlgalkaas lagu dilay Khaalid Jaamac Usmaa oo u dhashay waddanka Pakistan kana mid ahaa saraakiisha sare ee Daacish.

Waxa kale oo qoraalka lagu sheegay in howlglaka laga fuliyay togga Il-Cameyra ee buuraleyda Calmiskaad gobolka Bari lagu diley illaa labaatameeyo ka tirsan dagaalamayaasha Daacish.

Ciidamada PSF ayaa sheegtay inay burbiriyeen xaruntii dhexe ee Daacish ku lahayd togga Il-cameyra, halkaas oo hub iyo raashin ugu kaydsanaa.

Ma jiro warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada ciidamada Maamulka Puntland, mana jiro war ka soo baxay Daacishta ka howlgasha gobolka Bari.

Diiwaanka wararka
Radio Daljir.com.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com