HomeUncategorized

Puntland oo Kaalmo ku Aadan Duufaanada ka Dalbatay Beesha Caalamka

Somalia, November 10, 2015 (Daljir) —Madaxwweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta qeybaheeda kala duwan kula hadlay aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa sheegay in roobab dabaylo wato ay ku dhufteen qeybo kamid ah Gobalada Puntland, saameyn xooglehna geysteen.

Goobaha cod-bixinta ee dalka DR Congo oo maanta furmay, iyadoo cabsi xooggan laga qabo qala-laaso ka dhasha goobaha cod-bixinta dalkaasi Congo.
M/weyne ku xigeenka Puntland oo bogaadiyey hawlgalada amni, lacagna gudoonsiiyey ciidanka bilayska Bossaso.
Ururka suxufiyiinta Soomaaliya ee NUSOJ oo cambaarayay dilkii wariye Fantastic.
Somalia, November 10, 2015 (Daljir) —Madaxwweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta qeybaheeda kala duwan kula hadlay aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa sheegay in roobab dabaylo wato ay ku dhufteen qeybo kamid ah Gobalada Puntland, saameyn xooglehna geysteen.
 
Deegaano katirsan Gobalada Bari iyo Gardafuu ayuu madaxweynuhu sheegay in duufaantaasi khashaaro u geysatay , waxaana dumay guryo deegaan ah iyo goobo ganacsi , halka ay go’een wadooyin halbowle u ah isu socodka dadka iyo gaaiidka .
 
‘’ Sidoo kale dabeylahaasi waxaa ay burburiyeen goobihii loogu shaqeynayayey arrimaha bulshada ,sida goobaha waxbarashada ,caafimaadka iyo xarumihii maamulka ee caluula iyo bareeda ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas .
 
Wadooyinka Go’ay waxaa kamid ah wadada gasha Qandala , wadada isku xirta Baargaal, Caluula , Bareeda iyo murcanyo , waana wadada loo yaqaan lafa goray oo muhiim u ah dadka deeganadaasi.
 
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guud ahaan shacabka Puntland ugu baaqay in kaalintooda ay ka qaataan gurmadka loo fidinayo dadka deeganadaasi, iyagoona ku hal qabsanaya halkudhigii  madaxweynaha ee ahaa Puntland ha isku tashato.
 
‘’ Beesha caalamka waxaan ka codsnaynaa inay taageero ka geystaan baahida dadkaas la soo daristay sida cuntada , hoyga , caafimaadka iyo wixii lamid ah ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
 
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn sheegay in Dawladda Puntland dhankeeda qaadanayso waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aadan u kaalmeyta dadka deeganadaasi ee ay saameysay duufaantu .

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: