
Somalia, November 10, 2015 (Daljir) —Mudanayaasha barlamaanka federalka ah ee Soomaaliya ayaa soodhoweeyey tallaabadii ay barlamaanka dowladda Puntland gudoomiyaha cusub ugu soo doorteen Axmed Cali Xaashi oo wareegii ugu dambeeyey ee doorashada kaga guulaystay Cabdixakiin Xaaji Maxamed Axmed (Dhooba-daareed).
Jaylaani Nuur Iikar gudoomiye kuxigeenka barlamaanka federalka ah ee Soomaaliya oo shalay shir gudoominayey kulankii barlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dhammaan xubnaha golaha shacabka Soomaaliyeed ay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan gudoomiye Axmed Cali Xaashi.
Gudoomiye kuxigeenka barlamaanka Soomaaliya ayaa dhanka kale bogaadiyey qaabkii caddaaladda ahayd ee doorashadu ay u dhacday, wuxuuna tilmaamay in barlamaanka Soomaaliya uu lashaqayn doono gudoonka cusub iyo guud ahaan barlamaanka Puntland.
By: Jaamac Abdurahman
FAALLOOYIN & FALCELIN