Ururka suxufiyiinta Soomaaliya ee NUSOJ oo cambaarayay dilkii wariye Fantastic.

Moqdisho, Jan ? 29 ? Ururka war-fidiyeennada Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa bayaan cambaarayn ah habeennimadii xalay ahayd kasoo saaray dilkii Moqdisho loogu geestay agaasimihii Radio Shabeelle Allaha u naxariistee marxuun Xussan Cismaan Cabdi ?Fantastic? oo maantay lagu aasay Moqdisho.

Xoghayaha guud ee ururka NUSOJ Maxamed Ibraahim Isaaq ?Bakistaan? oo waraysi siiyay Radio Daljir ayaa arrintaasi ku tilmaamay fal aad u fool xun oo looga danleeyahay sidii loogu cabsi-galin lahaa warfidiyeennada kale ee shaqaynaya, waxaana dhammaan qaybaha wariyaasha uu ugu baaqay inay hawlahooda si caadi ah ay u wataan.

Bakistaan ayaa dhaca kale sheegay inay arrintaan kala hadleen DFKS si ay baaritaano rasmi ah ugu samayso cidda ka dambaysa dilka marxuunkaasi loo geestay sharcigana la hor-keeno dhagar-qabayaashaasi.

Dilka xalay degmada Wadajir ee Moqdisho loogu geystay marxuun Xassan Fantastic agaasimhii idaacadda Shabeele ayaa waxaa ka horeeyay dilal qorshaysan oo sidaasi oo kale loola beegsaday 2 agaasime oo madax horay uga ahaa Radio Shabeele, Fantastic ayaa noqonaya agaasimihii 3-aad oo dil qorshaysan Moqdisho lagula beeg-sado, inkatoo ay jiraan wariyaal iyo madax ka tirsanayd hay’adaha warbaahinta Moqdisho oo dil sidaasi oo kale loola beegsaday xilliyo kale duwan.

Diiwaanka Wararka
Daljir Garowe.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com