Puntland oo ka tacsiyadeysay geerida AUN Cali khaliif Galayr

HomeWararka

Puntland oo ka tacsiyadeysay geerida AUN Cali khaliif Galayr

Madaxweyne Ku-xigeenka, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntla

Arday ka qalin jabisay Jaamacadda Culuumta Cafimaadka Bosaaso & Masuuliyiin ka hadlay
Ardayda Jaamacada Bariga Africa Boosaaso oo Maanta u fariistay Imtaxaanka (dhegayso)
Munaasabaddii Xuska 1da Agoos iyo Aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe (dhegayso)

Madaxweyne Ku-xigeenka, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Goleyaasha Dowladda ayaa ka tacsiyeeyey Geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galayr oo ku geeriyooday Jigjiga.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxa uu tiiraanyada geerida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya la qaybsanayaa, ugana tacsiyaynayaa ummadda Soomaaliyeed, Shacabka reer Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumku. Waxa uu Alle “SWC” uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, Jannatul Fardawsa ka Waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: