Cali khaliif Galayr oo ku geeriyooday Jigjiga

Cali khaliif Galayr oo ku geeriyooday Jigjiga

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr ayaa goor dhow ku geeriyooday isbitaal ku yaal magaalada Jig-jiga ee Ismaamulka Soomalida Itoobiya.

Warkan oo goor dhow ayaa soo baxay ayaa sheegaya in Cali Khaliif uu dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ku xanuunsanaa isbital ku yaal magaalada Jigjiga.

Marxuumka ayaa horay waxaa uu xilal uga soo qabtay Dalka Soomaaliya, waxaana mar uu ahaa hoggaamiyaha maamulka la magac baxay Khaatuma State oo ka arrimin jiray Gobolada Sool iyo Sanaag, waxaana uu Soomaaliya uu Ra’iisul Wasaare ka ahaa intii u dhaxaysay 8-dii October 2000 ilaa 28-kii October 2001-dii.

TAARIIKH NOLOLEEDKA CALI KHALIIF GALEYR

Dr. Cali Khaliif Galaydh waxaa uu ahaa siyaasi Soomaaliyeed, waxaana uu mar soo ahaa Reysal Wasaaraha Soomaaliya (2000-2001), Wasiirka Arrimaha Gudaha (1965-1967) iyo Wasiirka Warshadaha (1980-1982).

Cali waxa uu ku dhashay gobolka Sool, halkaas ayuuna qeybta hore ee noloshiisa kusoo qaatay inteeda badnayd, ilaa uu ka dhameystay waxbarashadiisii aasaasiga ahayd, ilaa markii dambe uu Dugsigiisa Sare ku dhameystay degmada Sheekh. Waxaa uu ahaa aqoonyahan darajada tacliinta maadiga ah ka gaadhay Ph.D. Waxaa uu ahaa Macalin iyo qof muddo dheer soo ahaa shaqaale dowladdeed, oo qeybo kale duwan dowladnimada ah kasoo shaqeeyay.

Dr. Cali Khaliif Galeydh waxa uu in mudda ah kasoo shaqeynayay qeybaha waxbarashada Soomaaliya, isaga oo macalin iyo bare kasoo ahaa machadkii Somali Institute of Public Administration (SIPA) ee Maamulka Dowliga ah lagu baran jiray, halkaas oo uu markii dambe ka noqday agaasime.

Cali Khaliif waxaa lagu xasuustaa agaasimidda barnaamijyo hormarineed oo Soomaaliya ka socday 1970-aadkii ilaa 1980-aadkii, isaga oo si gaar ahaa u maamulayay Mashruucii Sonkorta ee Jubba.
Galeydh waxa uu sanadkii 2000 noqday xildhibaan, iyada oo uu isla waqtigaas noqday Raysal Wasaarihii ugu horeeyay ee dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Cali Khaliif Galaydh waxaa 2014-kii loo doortay Madaxweynaha Maamulkii Khaatumo oo aanay DowladdII Federalka KMG Soomaaliya ahaydna aqoonsan, tii ka dambeysay ee rasmiga ahayd ee la sameeyay 2012-kiina aanay aqoonsan.
Cali waxa uu dadaal xooggan ku bixiyay in la helo maamul u gaar ah gobolada Sool iyo Sanaag oo ka madaxbanaan Somaliland iyo Puntland, balse markii danbe waxaa uu la heshiiyay Somaliland gaar ahaan xukuumaddii Axmed Siilaanyo, waxaana uu dhintay haatan iyadoo aan la fulin heshiiskii lala galay.
Waxbarashadiisii:

1962-kii ayuu Cali Khaliif Galeydh dhameeyay Dugsigiisii Sare ee Sheekh, oo ka tirsan gobolka Togdheer.
1965-kii, waxa uu Cali dhameeyay Waxbarashadiisii Jaamacadda ee Heerka 1-aad, taas oo uu ku qaatay Jaamacadda Boston ee dalka Mareykanka.

1969-kii, Cali waxa uu Jaamacadda Syracuse University ee magaalada Newyork, Dalka Mareykanka ku diyaariyay Darajadiisii 2-aad ee Jaamacadda.

1972-kii ayuu Galeydh Ph.D-diisa ku diyaariyay isla Jaamacadda Syracuse University ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu ku gaadhay aqoonta tacliin maadiya tan ugu sareysa aduunka.
Waayo-aragnimadiisii dhanka Shaqada
1965-1967-kii, Cali Khaliif Galeydh waxa uu noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya.

1970-1973-kii, Cali waxa uu ahaa sarkaal ka tirsanaa Machadkii Barashada Maamulka Dowliga ee Somali Institute of Public Administration (SIPA), qeybtiisa Tababarka Cilmi Baarista.

1973-1974-kii ayuu soo ahaa Agaasimaha Guud Machadka Barashada Maamulka Dowliga ah ee SIPA.

1974-1976-kii waxa uu soo ahaa Agaasimaha Guud ee Warshaddii Sokorta Jowhar ee SNAI.

1976-1980-kii Cali waxa uu ahaa Guddoomiyaha Fulinta ee Mashruucii Sokorta Jubba.

1980-1982-kii, Cali Khaliif Galeydh waxa uu ahaa Wasiirka Warshadaha Soomaaliya, xiligaas oo ay si weyn uga socdeen dalka mashruucyo ay ka mid ahaayeen warshadeynta dalka.

1982-1984-kii waxa uu saaxiib fiican la ahaa Xarunta Arrimaha Caalamiga ah ee Jaamacadda Harvard.
1984-1986-kii, Waxa uu sidoo kale lahaa saaxiib fiican ee Xarunta Daraasadaha Bariga Dhexe ee Jaamacadda Harvard.
1986-1989-kii, waxa uu Lataliye u ahaa Shirkado gaar loo leeyahay oo Mareykanka ka jira, Hay’adda Gargaarka ee Mareykanka (USAID), iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Barnaamijyada Hormarinta .
1989-1991-kii, Galeydh waxa uu Caawiye Professor kasoo ahaa qaar ka mid ah jaamacadaha Mareykanka ku yaala.
1991-1994-kii Dr. Cali Khaliif Galeydh waxa uu ahaa Ku Lamaane Professor, qeybta Maamulka Dowliga ah ee Syracuse University ee magaalada Newyork, dalka Mareykanka.
1994-1996-kii, waxa uu Cali ka ahaa Jaamacadda Syracuse University Professor dhiga Maamulka Dowliga ah iyo Xiriirka Caalamiga ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com