Puntland oo ka hadashay khasaarihii ka dhashay roobabkii da’ay saacadihii la soo dhaafay

Puntland oo ka hadashay khasaarihii ka dhashay roobabkii da’ay saacadihii la soo dhaafay

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa faahfaahin ka bixiyay roobab dabeylo wata oo Saacaddihii lasoo dhaafay ka da’ay degaanada maamulkaPuntland.

Wasiirka ayaa sheegay in Khasaare Nafeed iyo mid Hantiyadeed ay sababeen roobabka ka socda degaanada Puntland,islamarkaana ay waddaan gurmadyo kala duwan.

Waxaa uu xaqiijiyay Wasiirka dhimashadda hal qof oo ku dhintay gobolka Bari, doonyo ay la tageen biyaha iyo Burbur soo gaaray Wadooyinka.
Saacadihii la soo dhaafay waxaa gobolada Puntland intooda badan ka da’ayay roobabkii maalmahanba la saadaalinayay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com