Puntland & imtaxanadka shahaadiga ah (Qormo)

Puntland & imtaxanadka shahaadiga ah (Qormo)

“Puntland, wax yaalaha qiimaha weyn leh waxa kamid ah imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare iyo dhexe oo muddo fara badan xilligan oo kale kumanaan arday oo ku nool dhul aad u baaxad weyn laga qaado.

Qiimahaas waxa u yeelay waa hab maamulka, sharciyada iyo akhlaaqiyaadka bahda gacanta ku haysey oo muddo badan iska soo dhaxashay hufnaan iyo maamul wanaag.

Waxa kale oo iyana kaalin weyn ka geystay in imtixaankaas guul laga gaadho haldoorkii iyo macalimiintii is-xilqaamay ee lahaanshaha dareemaayey, kuwaas oo sagaashameeyedii qarnigii tegay soo asaasay duugsiyada waaweyn ee maant Puntland ku faanayso, waxana ugu horeeya jiilkaas madaxweynaha haatan talada haya Mudane Siciid C/laahi Deni iyo akhyaartii kale ee xilligaas adkaa soo halgamay, waxa kale oo xusid mudan wasiirkii hore ee waxbarashada Cabdi Faarax Siciid-Juxa oo xilligiisii imtixaanaadka la mideeyey, dadaal adagna u galay in shuruuc iyo habraacyo loo sameeyo.

Dhaxalkaas qiimaha lah waxa uu mudan yahay in la ilaaliyo, lagana digtoonaa wax kasta oo hagar daameynaaya.

Sideedaba, waxbarashada aan lahayn maamul adag iyo hufnaan wax macna ah ma leh waxayna khatar iyo hagar daamo ku tahay jiilasha soo kacaya.

Waxa aan hambalyo iyo duco u dirayaa dhamman ardayda saaka u fadhiisanaysa Imtixaankaas.”

Mohamed Said Farah, Madaxa xarunta HADAF, Badhan, Sanaag.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com