Puntland & dowlad degaanka Soomaalida oo heshiis Amni wada gaaray

HomeWararka

Puntland & dowlad degaanka Soomaalida oo heshiis Amni wada gaaray

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Faysal Sheikh Cali iyo Xubno la socda oo safar shaqo ku jooga Degmada Galdogob ayaa Shir dhinaca Amnig

Khudabaddihii Xarig jarka Qaybaha Cusub ee Cisbitaalka Qardho (Daawo)
Horyaalka Kubadda Cagta Puntland oo lasoo gabagabeeyey(sawiro)
Cabudwaaq Barakacayaal ayaa daljir uga waramay xaladooda nololeed (dhegayso)

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Faysal Sheikh Cali iyo Xubno la socda oo safar shaqo ku jooga Degmada Galdogob ayaa Shir dhinaca Amniga ah la qaatay Masuuliyiinta iyo Laamaha Amniga Gobolka Doollo.

Shirkan looga hadlayey dhinacayada Amniga iyo wadashaqaynta ayaa waxaa qayb ka ahaa Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug Maxamed Xasan Waloore, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Gobolka Mudug, Gudoomiyaha Degmada Galdogob iyo ku xigeenkiisa, dhinaca Gobolka

Gudoomiyaha Gobolka Doollo Mubarak Axmed Maxamed, Taliyayaasha Dhinacyada amniga iyo Siyaasada Gobolka Doollo ee dowlad degaanka Soomaalida, waxaana inta uu socday Kulanka masuuliyiinta Gobolka Doollo Gudoomiyaha Gobolka Mudug ku wareejisay gaari horay looga dhacay Degmada Gaalkacyo.

Shirkan oo saacado socday ayaa laga soo saaray War-murtiyeedka looga hadlay arrimo badan iyo heshiis dhanka amniga oo ay wada gaareen labada dbinac, kaas oo ah.

In la xoojiyo wadashaqaynta dhinacyada Masuuliyiinta Gobolada Doollo iyo Mudug

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: