PUNTLAND: Amniga magaalooyinka waaweyn oo aad loo adkeeyay ka hor maalmaha Ciid

PUNTLAND: Amniga magaalooyinka waaweyn  oo aad loo adkeeyay ka hor maalmaha Ciid

Ku-simaha Madaxweynaha Maamulka Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas Axmed Cimi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyay kulan ku saabsan Amniga guud iyo dardargelinta qorsheyaasha amni ee maalmaha Ciida.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasaaradda Cadaaladda, Taliyeyaasha Ciidamada Daraawiishta iyo Booliska, Maamulka Gobolka Nugaal, Kan degmada Garoowe iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Ku-simaha Madaxweynaha Maamulka Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas Axmed Cimi Cismaan Karaash ayaa faray dhamaan laanaah Amniga ee Maamulka Puntland inay dardar geliyan howlaha sugida amniga inta lagu guda jiro Maalmaha Ciida.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com