NISA oo Muqdisho ku soo ban dhigtay shabakad Al-shabaab u qaabilsanayad qaraxyada

HomeWararka

NISA oo Muqdisho ku soo ban dhigtay shabakad Al-shabaab u qaabilsanayad qaraxyada

Qoraal kooban oo la soo dhigay barta Twitter-ka NISA ayaa lagu sheegay in howlgalo dhacay 26 iyo 28 bishan Janaayo lagu soo qabtay Shabakad Al-Shabaab

Guddiga dib u heshinta Galmudug oo ka hadlay Arrimo kala duwan
Warka Caweysin iyo Fadumo degan , Daljir Bossaso (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Garoowe (dhegayso)

Qoraal kooban oo la soo dhigay barta Twitter-ka NISA ayaa lagu sheegay in howlgalo dhacay 26 iyo 28 bishan Janaayo lagu soo qabtay Shabakad Al-Shabaab u qaabilsan qaraxyada, inkastoo aan la shaacin shabakadaas inta ay ka koobneyd.

Hase ahaatee barta Twitter-ka ayaa waxaa la soo geliyay sawirada maadooyinka laga sameeyo qaraxyada, sida fiyuusyada wax qarxiya, batariyaal, iyo gumacyada rasaasta loo yaqaano RBG.

Lama shaacin goobta laga soo qabtay shabakadan, balse waxaa la tilmaamay in wada shaqeyn hey’adaha amniga iyo shacabka ay suura gelisay guushan, sida lagu daabacay barta Twitter-ka.

Hey’adda NISA ayaa muddooyinkii u dambeeyay barta Twitter-ka si kooban ugu soo bandhigeysay warbininada la xiriira howlgalada gaarka ah ee lagu soo qabto shaqsiyaadka la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: