Yurub: Diyaarad rakaab  ah oo duuliye la’aan duushay.

HomeWararka

Yurub: Diyaarad rakaab ah oo duuliye la’aan duushay.

Shirkadda sameysa diyaaradaha ee Airbus oo laga leeyahay dalka Yurub ayaa ku guulaysatay in ay hawa u dirto diyaarad rakaab oo aan duuliye lahayn.

Muxuu ku salaysan yahay heshiiska ay kala saxiixdeen Puntland iyo Hay’adda Bisha Cas ?
Afarsano kadib, dowladda muddo-xileedkeedu dhamaaday waxay maanta diyaarisay ciidamo la dagaalama A-shabaab (Sawirro)
Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Guddiga doorashooyinka Gobollada Waqooyi ee Soomaaliland

Shirkadda sameysa diyaaradaha ee Airbus oo laga leeyahay dalka Yurub ayaa ku guulaysatay in ay hawa u dirto diyaarad rakaab oo aan duuliye lahayn.

Su’aasha ah goorma ayay dunida arki doontaa diyaarad rakaab oo aan duuliye lahayn waxay taagneyd muddo sannado ah, balse hadda waxaa muuqata in shirkadaha qaar ay arrintaa ku dhiiranayaan.

Inkastoo tiknoljiyadda casriga ah ay hadda ka hana qaaday dunida, haddana ma jirin caddeymo sax oo muujin kara in diyaaradaha ay duuli karaan iyadoo uusan la socon qof duuliye ah.

Shirkadda sameysa diyaaradaha ee Airbus ee Yurub ayaa xaqiijisay in mid ka mid ah diyaaradaheeda tijabaada ku jira ay duusha iyadoo  duuliye la’aan ah.

Diyaaradan waxay ka duushay garoon ku yaala Magaalada Toulouse-Blagnac ee dalka Faransiiska.

Sida ay sheegtay shirkadda Airbus, diyaaradda nooceedu yahay A350-1000 ayaa sideed jeer duushay iyadoo wax duuliye uusan wadin, muddo afar saac iyo bar ahna hawada ku maqnayd.

Shirkadda European aerospace ayaa bilihii lasoo dhaafay sameysay dhowr tijaabo oo ah diyaarado si iskood ah u duulaya, inkastoo diyaaradahaas ay la socdeen laba duuliye oo heegan ku jira haddii ay wax dhacaan.

Hirgelinta arrintan ayaa loo sababeynayaa duuliyeyaasha oo la sheegay in ay ku yar yihiin dunida iyo sidii loo yareyn lahaa kharashaadka ku baxa.

Diyaaradaha rakaabka ee hadda dunida laga isticmaalo waxaa wada duuliyeyaal taageero ka helaya Kumbyuutaro ku rakiban diyaaradda, waxaana yar shaqada looga baahan yahay duuliyaha, maadaama diyaaradaha la isticmaalo ay u badan yihiin kuwa casri ah.

Haseyeeshee dad badan ayaa walaac ka muujiyay badqabka diyaarad uusan qof duuliye ah wadin, gaar ahaan markii ay dhowr jeer dhacday diyaarad nooceedu yahay Boeing 737 Max, taas oo dhicitaankeeda loo sababeeyay cilad dhanka tiknoljiyadda.

Sharciga diyaaradaha ee hadda dunida ka jira waxaa uu dhigayaa in diyaarad walba laga doonayo in ay la socdaan afar indhood oo micnaheedu yahay laba duuliye.

Isha warka BBC.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: