Guddiga dib u heshinta Galmudug oo ka hadlay Arrimo kala duwan

Guddiga dib u heshinta Galmudug oo ka hadlay Arrimo kala duwan

Kadib kulan ay Magalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ku yeesheen Guddiga qaban qaabada Shirka dib u heshisiinta Galmudug ayaa waxaa ay soo saareen habraac la xiriira qabsoomida Shirkaas oo diyaar garoowgiisa uu ka socdo Magalada Dhuusamareb.

Guddiga ayaa shirkjooda ka soo saaray Shan qodob oo uu ku furmo karo shirkaas, oo lagu wado in Magalada Dhuusamareeb uu ka furmo 17 ka Bishaan,waxaana Go’aanada ay soo saareen ka mid ah.

Bilawga soo dhaweynta iyo Qaabilaadda Ergooyinka ka qeyb-galayaasha Shirka.
Hubinta iyo Kormeeridda Goobaha Shirka iyo Deegaanka Ergooyinka.

Diyaarinta Ajandaha iyo Agabyada Shirka.

War-gelinta iyo Diyaar-garowga Hay’adaha Amniga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka.

Xadeynta Waqtiga soo gaaridda Ergooyinka Goobta Shirka oo ah: 14 – 16 Bishaan iyo Furitaanka Shirka oo ah: 17 ka Bishaan.

Si kastaba Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa waxaa ka socda diyaar garoow ku aaan qabsoomida Shirka dib u heshisiinta beelaha dega deegaannada Galmudug.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com