HomeUncategorized

M/weynaha dowladda Puntland oo xafiiskiisa ku qaabilay wefti kasocda dowladda Turkiga

Garowe, Apr 1 -Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroolle ayaa maanta madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe ku qaabilay wefti katirsan dowladda Turkiga oo maanta soo gaaray magaalada Garoowe.

Dhagayso Farmaajo: Annigu ma garanayo dowlad shisheeye oo xoog ku joogta Soomaaliya, waxay ku joogtaan rabitaanka Madaxda Dalka
Maamulka gobolka Cayn oo kormeeray riigga biyaha ee magaalada Buuhoodle, una kuurgalay hawlaha ceelka biyaha .
Booliska Netherland oo Xiray Gabar Soomaali ah

Garowe, Apr 1 -Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroolle ayaa maanta madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe ku qaabilay wefti katirsan dowladda Turkiga oo maanta soo gaaray magaalada Garoowe.

Weftiga oo uu hogaaminaya Mr Cemalettin Kani Torun oo ah danjiraha dowladda Turkiga ee Soomaaliya ayaa waxaa ay kulan saacado qaatay la yeeshay madaxwayanaha dowladda Puntland.

Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroolle oo saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe ayaa waxaa uu ka sheekeeyay kaalintii Turkiga uu ka qaatay gurmadkii abaarahii ku dhuftay koonfurta Soomaaliya bartamihii sanadkii lasoo dhaafay.

Dr Faroolle ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay hay?adda Turkiga TIKA iyo dhaqaatiir u dhashay dalka Turkiga inay adeegyo caafimaad iyo gargaarka dadka dhibaataysan inay ka fuliyeen deegaanada Puntland.

Madaxwaynaha ayaa waxaa uu sidoo kale ka sheekeeyay taaqriiqda fog ee Turkiga uu ku lahaa Soomaaliya xiligii wadankaas ay maamulayeen Cuthmaaniyiinta,isagoona sheegay in Turkiga uu astaamo ka sameeyay magaalada Berbera,sidoo kale uu caawin jiray daraawiishtii saldhigoodu uu ahaa Eyl iyo Taleex .

Mr Cemalettin Kani Torun danjiraha dowladda Turkiga ee Soomaaliya oo isaguna ka hadlay shirka jara?id ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsanyahay booqashada uu ku yimid Puntland, waxaa uu intaasi raaciyay dowladda Turkiga inay xiligaan mashaariic ka waddo magaalada Muqdisho, islamarkaana ay doonayso inay goobo kale ay mashaariic ka fuliso.

Danjiraha waxaa uu ku nuuxnuuxsaday inay xafiisyo ka furanayaan magaalada Garoowe, si loo caawiyo shacabka Soomaaliyeed xiliga adag ay ku jiraan,sidoo kale waxaa uu sheegay inuu rajaynayo inuu mar kale booqasho uu ku yimaado Puntland.

Diiwaanka Wararka
Daljir Bossaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: