Dhagayso Farmaajo: Annigu ma garanayo dowlad shisheeye oo xoog ku joogta Soomaaliya, waxay ku joogtaan rabitaanka Madaxda Dalka

Nairobi, 24 – May – 2016 – R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo waraysi gaar ah siiyay Radio Daljir ayaa ka warbixiyay arrimo badan oo ay ka mid yihiin Shirar muhiim ah oo uu uga qayb-galay UK iyo USA, kuwaasi oo dowlado badan ay kasoo qayb-qaateen. 

“Shirkii ugu muhiimsanaa waxaa lagu qabtay London, waxaana kasoo qayb-galay dowlado badan, anniga waxaa la ii casumay maadaama xukuumadii aan hoggaamin-jiray ee Tayo ay ahayd xukuumad dagaal adag la gashay Shabaab, kuna guulaysatay in ay Muqdisho iyo dhul badan ay ka sifayso, sidaas darteed ayaa khibradayda la iigu casumay shrkaasi, cid kale oo madax Soomaaliyeed ahna laguma casumin” Sidaasi waxaa yiri Farmaajo.

Mudane Farmaajo ayaa sheegay in aysan jirin dowlad xoog ku joogta dalka Soomaaliya mar uu ka waramayay aragtiisa ku aadan faragalinta dowladaha gobolka iyo beesha caalamku ay Soomaaliya ku hayaan, wuxuuna yiri  “Arrintaasi waxaa looga baahanyahay Shacabka Soomaaliyeed in ay kacaan, waa in codkooda la maqlaa, oo ay taageeraan hoggaamiye rabitaankooda ka turjumaya, annigu eeda ma saarayo dowlado, waxaan eeda saarayaa madaxda Qaranka, iyagaa loo doortay in ay danaha qaranka dhowraan, marka daciifnimo iyo farsamo xummo dhankooda ka timid ma ahan in qof kale la saaro, ma’ahan tani ed cid kale leedahay, waa khaladaad ay ka galeen kalsoonidii shacabku ay siiyeen”

R/wasaarihii hore Farmaajo ayaa beeniyay in uu kasoo horjeedo nidaamka federaaliisimka ee Soomaaliya ay hadda ku shaqayso, waxaana uu shaaca ka qaaday in Nidaamka Federaalku ku qoran-yahay Dastuurka Dalka, wuxuu hadalkiisa raaciyay in aysan jirin meel uu federaalka ku dhaliilay.

Waraysigaan waxaa la yeeshay wariye Maxamed Cabdullaahi Cali (Kooshin)

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com