Muxuu ku salaysan yahay heshiiska ay kala saxiixdeen Puntland iyo Hay’adda Bisha Cas ?

Muxuu ku salaysan yahay heshiiska ay kala saxiixdeen Puntland iyo Hay’adda Bisha Cas ?

Dowladda Puntland iyo Hay’adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadka ayaa kala saxiixday heshiis wada shaqayneed oo oggolaanaya in Hay’adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadku ay xafiis ka furato Puntland, si ay ugu fududaato arrimaha gargaarka bini’aadantinimo ee ay ka fuliso Puntland.

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo ku sugan dalka Imaaraadka ayaa saxiixay heshiiska wadashaqayneed ee Dowladda Puntland iyo Hay’adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadka, dhinaca Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka waxaa heshiiskan u saxiixay Xoghaya Guud ee Hay’addaasi Maxamed Ateeq Al-falahi.

Puntland ayaa todobaadkan ka shaqeynaysay xaaladaha bani’aadantinimo ee ka dhashay roobabkii ka da’ay gobolada Puntland, waxaana jira guddiyo dowladdu u saartay arrimaha gurmadka dadka ay roobabku saameeyeen.

Xafiiska Hay’adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadku ay ka furanayso Puntland ayaa ka mid noqon doona xafiisyada dowladda kala shaqaynaaya arrimaha gargaarka bani’aadantinimo, waxaana wafdigii ugu horeeyey ee xafiiskaasi ka socda uu maanta soo gaaray magaalada Boosaaso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com