Odayaal iyo Salaakiil Ciidan oo kala dhexgalay Beelihii ku dagaalamay Afbarwaaqo iyo Towfiiq ( Akhriso)

Mas’uuliyiin ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed iyo Waxgaradka gobolka Mudug oo ku hawlan daminta xiisado colaadeed oo kasoo cusboonaaday Miyiga gobolka Mudug ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay kala dhexgalaan maleeshiyo beeleedka.

Taliyaha Ciidamada Dhulka S/guuto C/xamiid Maxamed (Dirir) iyo Saraakiisha la socota ayaa kulamo looga arinsanayo sidii loo joojin lahaa colaada waxay la qateen Waxgaradka, waxayna ku guuleeysteen in ay kala qaboojiyaan beelahaas dagaalamay,iyaga oo sheegay in ay soo gaba gabeeyn doonaan colaada u dhexeysa beelaha inta ay joogaan gobolka Mudug

Maalmo ka hor ayay ahayd markii maleeshiyo beeleedyo ay ku dagaalameen deegaano hoostaga deegaanka Afbarwaaqo ee gobolka Mudug,waxaana ka dhashay dagaaladaasi Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray maleeshiyaadkii Xoola dhaqatada ahaa ee halkaas ku dagaalamay.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com