Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Dalka Koonfur Afrika

HomeWararka

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Dalka Koonfur Afrika

Sida la sheegay Koox Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa gudaha dalkaas ku kudilay muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida ka Shaqeeysata Koonfur Af

Madaxweynaha DDSI oo isbadalo ku sameyaay Xafiiska Hantidhowrka (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Axmed Shiikh Maxamed Tallman, Bossaso (dhegayso)
Guddoomiyaha Barlamaanka oo magacaabay Guddi KMG ah oo soo diyaariya sharciga doorashooyinka

Sida la sheegay Koox Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa gudaha dalkaas ku kudilay muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida ka Shaqeeysata Koonfur Afrika, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Allaha u Naxariistee Xasan Axmed cabdulle, oo kamid ahaa dadka Soomaaliyeed ee dalkaasi ka shaqeeysta ayaa sida la sheegay xilliga la dilayay ku sugnaa Dukaan kuyaalla xaafada side B oo ka tirsan Degmada isku raranka ah ee Khayelitsha ee Magaalada Cape Town.

Kooxdan Burcadda ah ee dilka geysatay ayaa dilka ka dib dhac u geystay dukaankii uu ka Shaqeeynayay, iyaga oo qaatay agabkii iyo lacag badan oo taallay Dukaanka.

Ciidamada Booliska Koonfur Afrika oo gaaray dukaanka lagu dilay Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay baarayaan Kooxdii ka dambeeysay dilka wallow dhowr jeer sidaan oo kale loo dilay Dhallinyaro Soomaaliyeed balse aysan waxba ka qaban

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: