Guddoomiyaha Barlamaanka oo magacaabay Guddi KMG ah oo soo diyaariya sharciga doorashooyinka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa magacaabay Guddi Kumeel gaar ah, si ay soo diyaariyaan Sharciga Doorashooyinka Qaran.

Guddigan oo ka kooban 15 xubnood oo ah Xildhibaano, waxaana howshooda noqon doontaa hubinta iyo wax ka bedelka sharciga doorashooyinka ee ay soo ansixiyeen Golaha Wasiirada, si uu u noqdo mid dhammaan bulshada ay raalli ku tahay.

Muran badan ayaa ka dhashay sharcigii Doorashooyinka ee ay ansixiyeen Golaha Wasiirada bishii May, kaasoo dhaliyay dood kala duwan, loona arkayay in sharciga awood badan siinayo Madaxtooyada iyo Xukuumadda.

Hase ahaatee tallaabada Guddoomiye Mursal ku magacaabay Guddigan ayaa ah mid awooddiisa ku muujinayo, ugana hortagayo in sharciga si dhaqse looga meel mariyo Baarlamaanka.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com