Musharrax Jebiye oo degmada Dhahar si aan horay loo arag loogu soo dhweeyey

HomeWararka

Musharrax Jebiye oo degmada Dhahar si aan horay loo arag loogu soo dhweeyey

Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo ayaa si diirran maanta loogu soo dho

Dowladda Federaalka oo bilowday baaritaan ku aadan diyaaraddii ku burburtay Bardaale
Saaka & Dunida iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Bossaso ( dhegayso)
Warka Arooryo iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)

Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo ayaa si diirran maanta loogu soo dhoweeyey degmada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan.

Kumannaan dadwayne ah oo soo dhoweyntiisa uusoo baxay ayuu Musharrax Jebiye kula hadlay fagaaraha Derista, wuxuuna ugu mahadceliyey sida qiimaha badan ee isaga iyo wafdigiisa loo soo dhoweeyey.

Injineer Maxamuud Khaliif wuxuu ballan qaaday haddii loo doorto xilka Madaxwaynaha Puntland in uu wax ka qaban doono baahiyaha ay degmadu qabto, gaar ahaan biyo-gelinta, dayactirka jidka isku xira Dhahar iyo Qarho; hirgelinta garoon diyaaradeed iyo tayeynta adeegga caafimaadka.

Musharraxu wuxuu bulshada Dhahar uga mahadceliyey sida ay xilka weyn isaga saareen dhowrista deegaanka, isagoo xusay in degmada Dhahar ay qaadday tallaabo aad u wanaagsan oo mudan in degmooyinka kale ay ku daydaan.

Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Injineer Jebiye ayaa weli ku guda jira socdaalka uu ugu magac daray ‘Tashi iyo Tabasho’. Socdaalkan ayaa ah mid Musharraxu ugu kuur gelayo xaaladda guud ee dalka, islamarkaana uu kula tashanayo qaybaha kala duwan ee bulshada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: