Musharaxiinta u tartamaya Duqa Garowe oo soo Badanaya iyo Musharax Cusub oo ku dhawaaqay in uu tagaan-yahay xilkaas

Axad, Ogoosto 09, 2015 (Daljir) — Mahad Maxamed Ciise oo kmaid ah golaha deegaanka degmada Garoowe ayaa maanta ku dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka madaxtinimada gudoomiyaha golaha deegaanka ahna duqa magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay nabadoono,Siyaasiyiin, dhalinayaro, haween iyo dadweyne kale, waxaana dhammaan dadkii ka hadlay ay muujiyeen sida ay muhiimka u tahay in sanadkaan golaha deegaanka ee degmada Garoowe codkooda siiyaan xubnaha dhalinyarada ah.

 Musharax Mahad Maxamed Ciise oo shaaciyey musharaxnimadiisa ayaa balanqaaday in hadii uu xilka ku guulaysto uu wax ka qaban doono, dhaqaalaha ammaanka caafimaadka iyo bilicda caasimadda Puntland, wuxuuna intaas kusii daray in hadii laga guulaysto uu dadka iyo dalka u shaqayn doono.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com