Madaxweyne Axmed Madoobe oo Xariga kaga jaray wasaarado Cusub oo laga hirgaliyay Kismaayo

Axad, Ogoosto 09, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta xariga kajaray xarumaha wasaaradaha Maaliyadda, Iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ah ee dowlad goboleedka Jubbaland ee Magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe oo ay weheliyeen xubno katirsan golayaasha dowladda uu xilku kasii dhacayo ee Jubbaland, maamulka magaalada Kismaayo iyo qaybaha bulshada magaalada Ksimaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo khudbad kajeediyey munaasabaddii xarig-jarka ayaa sheegay in dhismaha xarumahaan cusub ay waxbadan ka bedeli doonaan shaqooyinka ay wadaan wasaaradaha dowladda goboleedka Jubbaland.

By: Abdirashid

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com