Musharaxiinta Galmudug oo soo saaray 7 shuruudood si ay uga qeyb galaan doorashada

Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug ee kala ah C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, Cabdi Dheere, Kamaal Gutaale iyo C/llaahi wehliye ayaa war murtiyeed ay wadajir u soo saareen kaga hadlay hannaanka doorashada Galmudug.

Musharaxinta ayaa soo saaray sida ay suurta gal ugu noqon karto si ay uga qeyb galaan doorashada muranka badan ka taagan tahay iyagoo soo bandhigay illaa 7 shuruudood.

Waxa ay sheegeen in loo baahan yahay in maamulka Ahlusunna uu qeyb ka noqdo hanaanka dhismaha maamulka Galmudug si loo xaliyo dhibaatooyinka ka taagan.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in loo baahan yahay helitaanka Guddi doorasho oo madax banaan iyo korjoogto Saddexaad.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com