HomeUncategorized

Musharax Cali Xaaji Warsame oo si wayn loogu soo dhoweeyey Garoowe (Dhegeyso+sawirro)

Garoowe, November 30, 2013 - Boqolaal dadweyne ah ayaa magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, waxay si diiran ugu soo dhoweeyey musharax Cali Xaaji Warsame oo u tartamaya xilka madaxtinimo ee Puntland.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamed Dheere oo galabta lagu aasay Muqdisho.
R/Wasaaraha oo soo gabagabeeyay socdaalkii uu ku tagay Gaalkacyo, kulana la qaatay wefdi sare oo ka socda Midowga Yurub
Xaaladda magaalada Galkacyo oo saaka degan iyo ciidamadii oo is-horfadhiya.

Garoowe, November 30, 2013 – Boqolaal dadweyne ah ayaa magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, waxay si diiran ugu soo dhoweeyey musharax Cali Xaaji Warsame oo u tartamaya xilka madaxtinimo ee Puntland.

Banaanka magaalada ayaa dadweyne wata gaadiid fara badan, waxay ku soo dhoweeyeen musharaxa u tartamaya xilka madaxtinimo ee Puntland Cali Xaaji, qaybaha bulshada oo idil ayaa ka qayb qaatay soo dhowaynta musharaxa.

Musharax Cali xaaji ayaa dadweynaha Garoowe ee sida wayn u soo dhoweeyey waxaa uu kula hadlay hoyga uu ka degan yahay Garoowe, isagoo xusay in Puntland ay xilligan u baahan tahay is bedel isla markaasna uu awooddo in uu wax badan qabto.

Cali Xaaji Warsame ayaa ku biiraya dhowr murashax oo fara ku tiris ah oo u tartamaya xilka madaxtinimo ee Puntland wakhtigan la joogo, musharaxa ayaa wakhti dheer ku qaatay gobollada Bari, Sanaag iyo Karkaar oo uu kulamo kula yeeshay qaybaha bulshada.

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Dhegeyso:- Murashax Cali Xaaji Warsame oo dadweynaha kula Garoowe kadib soo dhowayn loo sameeyey

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: