Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamed Dheere oo galabta lagu aasay Muqdisho.

Muqdisho, Nov 15 ? Alle ha u naxariistee waxaa galabta lagu aasay qabuuraha magalada Muqdisho guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duwa Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere)

Aaska marxuubka, waxaa ka qaybgalay madax dawladda ka tirsan oo iskugu jira heer dawlad dhexe iyo mid gobol, siyaasiyiin iyo dadweyne badan, kuwaasi oo aasiddiisa kaddib ka duceeyey qabriga, rabbina uga baryey in uu u naxariisto, una fududeeyo xisaabta aakhiro.

Alle ha u naxariistee Maxamed Dheere, ayaa dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyey xanuuunsanaa, isagoo jiifay ?isbitaalka Xalane ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu duhurnimadii maanta ku geeriyooday.

Maxamed Cumar Habeeb, waxaa uu horay uga mid ahaan jiray hoggaamiye kooxeedadii Muqdisho, Waxaana uu guddoomiye maamul ka soo ahaan jiray gobolka Sh-dhexe, isagoo xilligii dawladdii C/llaahi Yuusufna loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, hase ahaatee muddooyinkaan dambe ma jirin wax maamul ah oo uu ku lug lahaa.

Diiwaanka Warar

Radio Daljir

(G).

?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com