MUQDISHO: Yaa kusoo baxay Doorashadii maanta ee Kuraasta Gobolada Waqooyi ?

HomeWararka

MUQDISHO: Yaa kusoo baxay Doorashadii maanta ee Kuraasta Gobolada Waqooyi ?

Goobta doorashada ayaa waxaa ku sugan Guddiga Maamulaya doorashooyinka Gobolada Waqooyi & xubno kamid ah guddiga doorashooyinka heer Federaal & mas’uu

Gudoomiyaha Ururka Caddaaladda Iyo Sinnaanta Puntland Eng Khaliif Xasan Jabiye oo Ufayn lagu soo dhaweyey (Daawo)
MARTISOOR: Dhaqaalaha & Maaliyadda Puntland & Wasiir Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad
Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Xildhibaannada labada Aqal?

Goobta doorashada ayaa waxaa ku sugan Guddiga Maamulaya doorashooyinka Gobolada Waqooyi & xubno kamid ah guddiga doorashooyinka heer Federaal & mas’uuliyiin kale oo ka socda dowladda Soomaaliya, iyada oo ay codeynayaan 101 Ergo oo la soo xulay.

Kursiga koowaad ee doorashada Maanta ayaa waxaa ku tartamay Wasiirkii hore ee Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye & Cabdiraxmaan Warsame Saciid, waxaana kursiga Hop225 Golaha Shacabka ku guuleystay Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo helay 96 Cod halka Cabdiraxmaan Warsame Saciid uu helay 3 Cod, waxaana halaabay laba Cod.

Kursiga labaad ee HOP202 ayaa waxaa qorshuhu ahaa inay ku tartamaan Aamino Cumar Jaamac iyo Aamino Cismaan Diiriye, hayeeshee Goobta doorashada ay kaga dhawaaqday Aamin Cismaan Diiriye inay tanaasushay, waxana cod gacan tag ah 101 Ergo oo goobta ku sugnaa ay ugu codeeyeen Aamino Cumar Jaamac.

Kursiga Saddexaad ee HOP210 ayaa waxaa qorshuhu ahaa inay ku tartamaan Faadumo Xasan Cali iyo Hoodo Cabdi Xaashi, balse kursiga ay ku guuleysatay Faadumo Xasan Cali kaddib markii ay u tanaasushay Hoodo Cabdi Xaashi.

Kursiga Afaraad ee Hop#208 ayaa waxaa ku tartamay Maxamed Haaruun Cabdullaahi iyo Axmed Cali Maxamuud, waxaana 99 Cod ku guuleystay Maxamed Haaruun Cabdullaahi, halka musharrixii la tartamayayuusan helin wax cod ah, waxaana afartii sano ee la soo dhaafay kursigaan ku fadhiyay Xildhibaan Jamaal Xasan Ismaaciil.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: