MUQDISHO: Wasiir Oomaar oo daahfuray maata Diiwaan-gelinta Diyaaradaha Iyo Ruqsad-siinta Xirfadleyaasha

MUQDISHO: Wasiir Oomaar oo daahfuray maata Diiwaan-gelinta Diyaaradaha Iyo Ruqsad-siinta Xirfadleyaasha

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad oo daah-furay diiwaan-gelinta Diyaaradaha Iyo Ruqsad-siinta Xirfadleyaasha.

Wasiirka ayaa ku boggaadiyay dadaalka Hey’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed Iyo howlwadeenada Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada shaqada adag ee ay ka qabteen nidaamka duulimaadka dalka.

Munaasabadda oo ay goobjoog ahaayeen qaar ka mid ah Safiirada dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya, Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, milkiileyaasha Soomaaliyeed ee leh Shirkadaha diyaaradaha Iyo hawlwadeenada Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Iyo Hey’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa wasiirka ku guddoonsiiyay oggolaansho shaqo iyo rukhsado ka marag kacaya aqoontooda shirkadaha duullimaayada iyo Duuliyaal soomaaliyeed.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com