Muqdisho: Maamulka G/Banaadir oo kala diray Iskaashatada Gaadiidleyda

HomeWararka

Muqdisho: Maamulka G/Banaadir oo kala diray Iskaashatada Gaadiidleyda

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta ku dhawaaqay in sabaabo la xiriira dhanka Amniga loo la kala diray Iskaashada Gaadiidleyda Gobolka Banaadir .

Muuse Biixi “Beesha Caalamka ayaa soo faro galisay colaadda Tukaraq” (dhegayso)
Jubbaland oo shacabkeeda u dirtay fariin ku aadan ka hortaga Caronavirus
Warka Caweysin, Deeqo Ladan, Daljir Bosaaso (dhegayso)

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta ku dhawaaqay in sabaabo la xiriira dhanka Amniga loo la kala diray Iskaashada Gaadiidleyda Gobolka Banaadir .

Wareegto kasoo baxday xafiiska duqa Muqdisho oo la ogeeysiiyay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Wasaaradda Gaadiidka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Taliska Nabadsugida Gobolka Banaadir iyo xafiiska Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaraga ayaa lagu kala diray Guddiga iskaashada Gaadiidleyda gobolka Banaadir.

Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan oo Warbaahinta u akhriyay Wareegtada Duqa Muqdisho ayaa sheegay in sababaha loo kala diray xubnaha gudiga ay tahay inay ku milmeen Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Sidoo kale Afhayeenka waxaa uu sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay soo Magacaabi doonaan Guddi kale oo ah Iskaashatada Gaadiidleyda gobolka Banaadir, kuwaas oo baaritaan ay ku sameyn doonaan Hay’adaha Amniga Soomaaliya.

Xubnaha Guddiga Iskaashada Gaadiidleyda gobolka Banaadir weli wax jawaab ah kama bixin go’aanka Maamulka gobolka Banaadir uu ku kala diray iyo in lagu eedeeyay inay ku dhex milmeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: