Jubbaland oo shacabkeeda u dirtay fariin ku aadan ka hortaga Caronavirus

Jubbaland oo shacabkeeda u dirtay fariin ku aadan ka hortaga Caronavirus

Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa bilaabey inay fuliyaan amar kasoo baxey guddiga ka hortaga Cudurka Coronavirus,kaas oo ahaa in la joojiyo Goobaha ay Bulshada isugu timaado.

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa tegay Xeebta Magaalada Kismayao oo dad badan isugu yimaadaan iyo Goobaha Maqaaxiyaha ah iyo goobo kale,iyaga oo dadka ku amrey inay guryahooda aadaan.

Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose Maxamed Naasir Guulleed Xassan ayaa u sheegay qaar kamid ah Shacabkii ay Ciidamada la kulmeen in qof walba looga baahan yahay in uu Hoygiisa ku nagaado.

Sidoo kale waxaa uu dadka uga digey inay tagaan Goobaha la isugu yimaado,isaga oo sheegay in cid allaaha ciddii fulin weysay amarka Guddiga ka hortaga Cudurka Coronavirus tallaabo laga qaadi doono.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com